Home Afsomali Galmudug oo madaxweynihii 3aad ee ay yeelato uu Noqday Axmed Cabdi Kaariye...

Galmudug oo madaxweynihii 3aad ee ay yeelato uu Noqday Axmed Cabdi Kaariye {Qoorqoor}

Waxaa goordhaw hoolka Shiirkolle ee xarunta KMG ee Baarlamaanka Galmudug ee magaalada Dhuusomareeb ka dhacday doorashada Madaxweynaha Galmudug iyo kuxigeenkiisa, waxaana kursigan ku tartamayay afar Musharax .

Doorashada ayaa wareega koobaad waxaa ku guuleestay Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor)oo helay codad gaaraya 66-cod halka Musharaxa kusoo xigay Cabdullaahi Axmed Samater uu helay 9-cod labada Musharax kale ayaa helay min hal cod.

Guddiga doorashada Madaxweynaha Galmudug iyo kuxigeenkiisa ayaa sheegay in Doorashada uu ku guuleestay Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) oo helay in ka badan codadkii looga baahnaa in uu ku guuleesto wareega koobaad.

Madaxweynaha cusub ee Galmudug waxaa noqday Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor oo horey loogu saadaalinayay in uu xilkan ku guuleesan doono, waxaana goordhaw la filayaa in Baarlamaanka Galmudug sidoo kale doortaan Madaxweyne kuxigeenka Galmudug.

Doorashada madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug oo ka qabsoontay magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Galmudug ayaa waxaa ku guuleystay Axmed Cabdi Kaariye {Qoorqoor} oo Noqday Madaxweynihii 3aad ee galmudug yeelato wuxuuna ka mid ahaa 4 murashax oo u tartamay xilkaas waxaana uu ku hantay 66 cod sida uu ku dhawaaqay guddiga doorashada madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.