Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo maanta dalka dib ugu soo laabtay ayaa kormeeray Xarunta Tirakoobka Ciidanka Qalabka Sida oo lagu soo gabo-gabeeyey howlihii la xiriiray ururinta xogta iyo diyaarinta diiwaanka Ciidanka.
Madaxweyne Farmaajo oo ay weheliyeen Ra’iisulwasaaraha Jamhuuriyada wasiirka Difaaca iyo Taliyaha CXD ayaa indha indheeyay Galalka lagu uruuriyay xogta Askari walba oo ka diiwaangashay CQS
Ugu horeyn Madaxweynaha ayaa warbixin ku saabsan xaalada tirakoobka ciidamada ka dhageystay Saraakiil ka tirsan guddiga tirakoobka ciidamada qalabka sida
Ra’iisulwasaare Xasan Cali Kheyre ayaa sheegay in hadda wixii ka dambeeya ay madaxweynaha Jamhuuriyada u fududaandoonto, ogaalka sababaha uu Dalacsiinta ku muteystay, Sarkaal weliba oo loo baahdo in la abaalmariyo, waxa uuna sidoo kale Ra’iisulwasaaruhu madaxweynaha uga waramay wadadii dheereyd ee la soo maray guulaha laga soo hooyay Tirakoobka CQS.
Madaxweynaha ayaa soo bandhigay muhiimadda ay leedahay dib u habaynta Ciidanka Qalabka Sida oo aas-aas u ah dowladnimada dalkeenna iyo in guul deg-deg ah laga gaaro dagaalka lagaga sifaynayo dalka argagixisada.
“Layaab waxaa igu noqotay, markii aan tagay Wasaaradda Gaashaandhigga in aysan Ciidanku lahayn gal-xogeed (File) xitaa Saraakiishii iyo Taliyeyaashii, taas ayaa noqotay tallaabadii ugu muhiimsanayd ee aan ku saxayno hannaanka dib u dhiska Ciidanka Soomaaliyeed.” Ayuu yiri Madaxweynuhu