Home Afsomali Bunka Waa Balaayo Xijaab! Bun Dubte Baas ma Arko!

Bunka Waa Balaayo Xijaab! Bun Dubte Baas ma Arko!

Eeg sawirka sare, waa kurbin ” Xeero”, qaando” Fandhaal iyo   canbuulo ” digir ” ku jirta sixni.

Sooryada noocan ah waa ta ugu qaalisan ee qof lagu maamuuso marka la joogto magaalada Muqdisho ee gobolka Banaadir iyo Gobolada kale  ee ku dhadhaw.

Inta badan waxa soo raaca  Daango” Salool ” iyo Shaah , si marka bunka la marsado , daangada iyo shaahaana la iskugu cuno. Cuntada sifahan leh, waxa lagu sooryeeyaa Culimada diinta oo qaddarin iyo ixtiraam dheeraad  ku dhex leh bulshada  , geed jooga ”  odayada dhaqanka ee talada reeraha gooya “, iyo madaxda bulshada nooc kasta ha noqotee.

Sooryo Gobeed waa sooryo lagu sooro gobta”dadka inta fiican” , Waa sooryo wakhti gaar ah iyo xili gaara loo sameeyo dad sharfan , tilmaaman oo milgo iyo maamuus ku qaba shacabka , Waa sooryo lagu soo dhaweeyo dad sharaf , karaamo iyo cisi leh oo haybad ilaahay ku hagoogay.

Jabsiga, cunista & marsiga bunka waa caado iyo hab-dhaqan soo jireen ah, dadka qaarkiis ayaa si gooni ah u xiiseeya isticmaalkiisa, jilib diirta caanka ku ah jabsiga bunka ayaa rumaysan in ay si fiican uga raaxeystaan udgoonkiisa.

Siyaabo kala duwan oo haddana isku dhow-dhow ayaa loo marsadaa, hase yeeshee ka faa’iideysigiisa waa loo wada siman yahay, waxaa la xaqiijiyay dadka marsada bunka inay ka Dhogor (Muuqaal) iyo Jir Qurux badan yihiin inta aan aqoonin waxtarka ay leedahay marsiga saliida bunka.

Idil ahaan miyiga Gobollada K/Soomaaliya waxa ugu weyn ee la isku Martiqaado, isla markaana la isku Sharfo waa bunka, Sooryada ugu horeeysa ee deegannadaas la isku Marti-sooro ayaa ah Bunka oo la soo raaciyo Cambuulo, Daango, Shaah, Qaxwo, Caano iyo waxii kale ee la heli karo

Akhyaar badan oo ku nool Magaalooyinka waa-weyn ayaa marka aad kala sheekeysato isticmaalka alaabta loo yaqaano Bunka, waxa ay kuu sheeegayaan in cunistiisa ay si aad ah ugu baxayso habeenka ama maalinta Jimcaha ah!

Waayeelka iyo waxgaradka xiiseeya cunista bunka ayaa aaminsan inuu qofba qofka uu bun cunis badan yahay inuu ka caafimaad wanaagsan yahay, iyaga oo dhanka kale rumaysan bunku inuu Balaayo Xijaab u yahay Sharta IWM!

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.