Home Afsomali Xildhibaan Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan oo ka mid noqotay aqalka hoose ee...

Xildhibaan Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan oo ka mid noqotay aqalka hoose ee Baarlamaanka cusub doorasho ka dhacday Muqdisho

Doorashada Golaha Shacabka ee gobolada Waqooyi ayaa oo Maanta dib uga bilaabatay Magaalada Muqdisho ayaa waxaa lagu doortay 3 mudane oo ka mid noqon doonaan Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya.

Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan ayaa ku guuleysatay in ay ka mid noqoto xildhibaanada baarlamaanka dowladda Soomaaliya ee ka imaanaya deganada maamulka Somaliland.

Xildhibaan Fowsiyo ayaa ka guuleysatay Haweenay la tartamaysay oo lagu magacaabo Caasha Aadan, kadib markii ay Fowsiyo heshay codad gaaraya 45 cod.

Muuse Siciid jaamac ayaa 48 cod kaga guuleystay Faadumo Cumar Nuur oo heshay 2cod.

C/fitaax Ismaaciil Daahir oo helay 46 cod ayaa ka guuleystay Ridwaan Xirsi Maxamed,Shukri Faarax Cilmi iyo Baarliin Xasan Qalinle

https://youtu.be/I3HyOtzsnDY

Dhanka youtube ka linkiga hoose 

https://www.youtube.com/channel/UCbEqHSbI6baCm

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.