Home Afsomali Puntland oo Xabsiga ka sii deyneysa Ninkii aad ee ka harey labadii...

Puntland oo Xabsiga ka sii deyneysa Ninkii aad ee ka harey labadii nin ee loo toogtay kiiskii Caaisha

Cabdisalaan Cabdiraxmaan Warsame, oo kamid ahaa saddexdii nin ee loo xukmay Kiiskii Caa’isha Ilyaas, balse laba kamid ah la qisaasay, ayaa la go’aamiyay  in la sii daayo, kadib markii ay kiiskiisa ka heshiiyeen labada qoys.

Labada dhinac, ayaa ku heshiiyay  in mag la siiyo qoyska dhalay gabadhii Yareyd ee Caa’isha Ilyaas Aaden, islamarkaan  xorriyaddiisa dib loogu celiyo xukmane Cabdisalaan Cabdiraxmaan Warsame, xaqiijiyeen ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay.

Magta lagu heshiiyay oo ah 75 neef oo geela ayaa hashiiba lagu qiimeeyay $500 oo Dollar, waxaana isla goobta lagu bixiyay lacag dhan $25,000 oo Dollar, taasi oo u dhiganta 50 Halaad.

Labada qoys ayaa sidoo kale isla gartay in mudda saddex bilood gudahood ah lagu bixiyo, inta dhiman magta oo ah 25 halaad, taasi oo lacag ahaan ku qiimaysan $12,500 oo Dollar.

Dhinacyada oo wada-socda, ayaa Heshiiska ay wada-gaareen oo qoraal ah la wadaagay laamaha Garsoorka iyo Amniga dowladda Puntland, waxaana sidaasi lagu amray in la sii daayo Xukmane Cabdisalaan Cabdiraxmaan Warsame.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.