Home Afsomali Sawirada Raiisal wasaare kheyre oo ka qeybgalay munaasibad lagu xusayey sanad guuradii...

Sawirada Raiisal wasaare kheyre oo ka qeybgalay munaasibad lagu xusayey sanad guuradii 50aad ee aas aaskii ciidamada asluubta

Ra’iisul Wasaare Khayre: Waa In Dib-u-babeyn Lagu Sameeyaa Caddaaladda Dalka Maadaamada Caddaaladdu Ay Tahay Jiridda Dowladnimada Iyo Tiirka Isku Haya Buslshada

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa caddeeyay in loo haabanyahay in dib-u-habeyn ballaaran lagu sameeyo hannaanka caddaaladda dalka oo ah jiridda dowladnimadu, si loo helo nidaam dowladeed oo isu dheelli tiran.

Mudane Xasan Cali Khayre oo ka qayb galay munaasabdda xuska sanad guurada 50aad ee aasaaska ciidanka asluubta Soomaaliyeed, ayaa sheegay in guulo wax ku ool ah laga gaaray dib-u-habeyntii lagu sameeyay amniga dowlad wanaagga iyo dhaqaalaha, loona baahanyahay in dib-u-habeynta caddaaladda in lagu dadaalo.

Waxuu Ra’iisul Wasaaruhu intaa raaciyay in si cadaalladda loo horumariyo ay muhiim tahay in la iska kaashado ka gudbidda dhammaan caqabadaha, ciidanka qarankuna ay noqdaan albaabka cadaallada laga gelaayo, maadaama bulsha aan cadaalad heysan, ayan heli karin midnimo, kalsooni, horumar, qab-weyne, is-aaminaad iyo dhiirranaan.

Ra’iisul Wasaaraha oo u hambalyeey ciidamada asluubta iyo qoysaskooda ayaa sheegay in ciidamada Asluubta Soomaaliyeed ay shaqadoodu tahay toosin, barbaarin, anshixin, wacyi gelin, dib-u-caawin dad Soomaaliyeed oo si ay noloshu uga qaldantahy, kuna soo celiyaan bulshada si ay uga qayb qaataan dib-u-dhiska iyo dib-u-yagleelidda qarannimada Soomaaliyeed.

:

BG5I3225
BG5I3274
BG5I3400
BG5I3279
BG5I3506
BG5I3262
BG5I3211
BG5I3178
BG5I3177

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.