Home Afsomali Dowladda Somalia oo Maamulada Soomalind, iyo Puntland u dirtay Diyaarad sida...

Dowladda Somalia oo Maamulada Soomalind, iyo Puntland u dirtay Diyaarad sida Qalab Caafimaad

Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee dowlada ayaa bilowday qeybinta qalab caafimaad oo loogu talo galay ka hortaga iyo la dagaalanka cudurka Coronavirus (COVID-19).kaasi oo dalka oo dhan loogu taladalay in lagula tacaalo cudurkaan safmareenka ah

 

qalabkan qeybtooda loo diray maamulada Puntland iyo Soomalind, waxaana qorshaysan in loo diro qoondadooda maamulada Koonfur Galbeed, Jubbaland, Galmudug iyo Hirshabelle.

qalabkaan caafimaad ayaa ah mid dowlada somaliya lagu siiyey magaca dhamaan somaliweyn ayna xaq u leeyihiinin la wada gaarsiiyo

Deeqdan waxay Soomaaliya uga timid shirkadda Alibaba Foundations oo uu leeyahay ganacsadaha u dhashay dalka Shiinaha ee Jack ma.

Ganacsadahan ayaa qalabkan ugu deeqay qaarada afrika si ugu adeegsadaan cudurka Coronavirus, waxaana habeen hore deeqdan ka soo dejisay garoonka Aadan cadde dayuurad ay leedahay shirkadda Ethiopian Airlines.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.