Home Afsomali VIDEO Sida ilaa iyo hadda uuugu faafayo Corona caalamka oo idil.

VIDEO Sida ilaa iyo hadda uuugu faafayo Corona caalamka oo idil.

Ku dhawaad 600,000 oo qof ayuu cudurka ku haleelay dunida iyada oo ay cudurka u dhinteen dad ka badan 28,000 sida lagu xusay xogta ay baahisay jaamacadda John Hopkins.
Tirada dadka cudurka u dhimanaya oo ku sii badanaya dalka Spain ayaa gaaray 5,000 oo qof iyada oo 24-kii saac ee la soo dhaafay oo keli ah ay Spain cudurka ugu dhinteen 832 qof taasoo dalkaasi ka dhigeyso dalka seddexaad ee ugu dhimashada badan ee ku xiga Talyaaniga.
Dalka Mareykanka ayaa noqday dalka laga helay dadki ugu badnaa ee qaba cudurka Coronavirus oo gaaray 104,000.
Koonfurta Kuuriyana waxay marki ugu horreysay shaacisay tiradi ugu badneed ee dadka ka bogsaday cudurkaasi ay gaartay 4,811, halka Sabtida maantana laga helay 146 kiis oo cusub oo tirada guud ee dadka cudurka laga helay ka dhigeyso 9,478.
Ruushka iyo Ireland ayaa waxay ka mid noqdeen dalalka qaaday tallaabbooyin hor leh oo ay ku xakameeynayaan faafitaanka cudurka iyada oo faafitaanka cudurka dalalkaasi uu aad ugu yar ahay.
Dalka Britain waxaa baaritaan lagu sameeynayaa shaqaalaha NHS ee England.
Waxaa dunida sare uga kacay qiimaha qalabka Neefsiga loo adeegsado ama bukaannada cudurka uu haleelay lagu caawiyo.
Qiimaha halki Ventileter ee ahaa 27,000 oo dolar wuxuu hadda marayaa 96,000 oo doolar.
Dalka kenya waxaa laga helay 7 kiis oo cusub oo Coronavirusa, taasoo tirada dadka cudurka laga helay ka dhigeyso 38 qof.
Xoghayaha guud ee midowga Afrika Musa Faki oo laga waayey faayraska Covid-19.
Dalka Zimbabwe oo laga billaaba Isniinta bandoow ku soo rogaya shacabka dalkaasi.
Soomaaliya oo ay u badbaadday 3 malyan oo doolar oo kaga bixi lahaa Qaadka tani iyo marka qadka loo joojiyey cabsi laga qabo inuu qayb ka noqdo faafitaanka cudurka Coronavirus.
Wararka kale ee Coronavirus la xiriira halka ka akhriso:

Qaabka la isugu gudbiyo iyo sida uu ku Faafo Carona virus covid 19 alle naguma ridee

https://www.facebook.com/www.somalisan.net/videos/221701875554985/

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.