Home Afsomali Carona Virus oo Muqdisho ka bilaabay dhimasho iyo faafida dad hor leh

Carona Virus oo Muqdisho ka bilaabay dhimasho iyo faafida dad hor leh

Wasaaradda Caafimaadka oo shaacisay in qofkii ugu horreeyey uu u dhintay Coronavirus, lana helay afar kiis horleh

Wasaaradda Caafimaadka oo shaacisay in qofkii ugu horeeyay uu u dhintay Coronavirus, lana helay afar kiis horleh

  1. Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada iyada oo ka duulaysa waajibaadka ka saaran inay la wadaagto bulshada Soomaaliyeed hadba wixii ka cusboonaada caabuqa COVID-19, waxay umadda la wadaagaysaa qodobadan:
  2. Waxay Wasaaraddu cadaynaysaa in uu bilowday faafitaanka cudurka ee bulshada dhexdeeda (community transmission)
  3. Waxay Wasaaraddu xaqiijisay maantay 4 xaaladood oo cusub oo la xariirta caabuqa COVID-19 taas oo tirada guud ee xaaladahada caabuqa COVID-19 ka dhigaysa 12
  4. Afarta xaaladood oo cusub ayaa ah dad dhamaantood wadanka dhexdiisa joogay oo aan la laheyn xiriir dibadda
  5. Waxaa sidoo kale geeriyooday Allaha u naxariistee xaaladdii ugu horraysay ee la xariirta caabuqa COVID-19, Soomaali 58 jir ah, kaas oo noqnaya dhimashadii ugu horraysay wadanka gudihiisa
  6. Waxaa kamid ah dadka laga helay cudurka 2 Sarkaal oo ka mid ah shaqaalaha Wasaaradda Caafimaadka, taas oo qasab ka dhigaysa dhammaan dadkii la shaqaynayay ama xariirka la lahaa inay karantiil galaan inta laga xaqiijinayo baaritaankooda.
  7. Wasaaraddu waxay ku mashquulsantahay raadinta dadka ay xariirka la sameeyeen xaaladahaas cusub
  8. Wasaaraddu waxay bulshada Soomaaliyeed mar kale ku adkaynaysaa inay guryohooda ku ekaadaan, kana taxadaraan caafimaadkooda iyo badqabkooda.
  9. Fadlan nagala qayb-qaata xakamaynta cudurka oo raaca tilmaamaha caafimaad ee sida joogtada ah idiinla wadaagayso Wasaaradda Caafimaadka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.