Home Afsomali Saadaashu Sama lehe yaa gadaal na loo celin (Q; Xagaley )

Saadaashu Sama lehe yaa gadaal na loo celin (Q; Xagaley )

 

Gebigeedba xaajada

gurta lagu saxiixaye

gorof maran laqeybsado

gabanadu riyaaqaan

waa lagu gummoobaye

gacal iyo xigaaloow

yaan gadaal naloo celin.

 

Goob kastaba utaagnoow

gacan hoorsi joogtiyo

gunno dowlad goboleed

garashadu sideey tahay

waa lagu gumoobaye

gacal iyo xigaaloow

yaan gadaal naloo celin.

 

Gobol gobol masixi karo

mana laysu geyn karo

guud ahaanna gaalaa

geyigeenna maamuli

gabanada jecleystoow

waa lagu gumoobaye

gacal iyo xigaaloow

yaan gadaal naloo celin.

 

Gob gob diidan baa nahay

ka gar qaadan baan nahay

gogoshana haddii aan

ANKARA iyo lageyneyn

ama aan godeey tegin

gelimaynu xaajada

waa garaad la,aanteen

oo lagu gummoobaye

gacal iyo xigaaloow

yaan gadaal naloo celin.

 

Gobanimada liicdiyo

guud ahaan dalkeenaan

gebigii lakala jaray

kala guuristeenaan

ninba geesti hoos geyn

gumaystaha shisheeyaha

gacal iyo xigaaloow

geesiyaal ma waayine

yaan gadaal naloo celin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.