Home Afsomali Cudurka Carona virus oo ku sii faafayo gudaha Somaliya

Cudurka Carona virus oo ku sii faafayo gudaha Somaliya

Waxaa  la karaantiilay saraakiil ka tirsan wasaaradda caafimaadka ee xukuumadda Soomaaliya, kuwaas oo mudo laba toddobaad ah karantiilka ku jiri doona.

Xubnahan maanta la xareeyay ayaa laga baaraya cudurka Coronavirus, maadaama sida la sheegay ay wada shaqeyni kala dhaxeysay laba xubnood oo kale, kuwaas oo isla wasaaradda ka tirsanaa, isla markaana shalay laga helay xanuunka COVID-19, sida ay shaacisay wasaaradda caafimaadka.

Wasaaradda ayaa sidoo kale sheegtay in lagu daba jiro dadkii kale ee ay la macaamileen saraakiisha laga helay cudurkaas ee ka tirsanaa shaqaalaha wasaaradda.

Qoraal shalay kasoo baxay wasaaradda caafimaadka waxaa lagu sheegay in cudurka Coronavirus uu haatan kusii faafayo gudaha dalka, gaar ahaan magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

Sababta ka dambeysa in cudurku si fudud ku faafo waxay ku sheegtay wasaaraddu inay tahay dadka oo is dhex galaya, isla markaana haba yaraatee aan wax feejignaan ah qabin.

Illaa afar kiis oo cusub ayey shalay shaacisay wasaaradda caafimaadka Soomaaliya, kuwaas oo aan marnaba dalka meel uga bixin, sidoo kale qofkii ugu horeeyey ayaa shalay Muqdisho u geeriyooday cudurka Corona.

Tarada guud ee kiisaska la xariira ee laga diiwaan geliyey gudaha dalka waa 12 kiis, sida ay lagu sheegay warbixinta wasaaradda.

Hal qof ayey shaacisay wasaaraddu in uu ka bogsaday xanuunkaas, halka qof kalena uu dhintay, waxaana karaantiilan oo lala tacaalayaa 10 ruux ee qaba xanuunkaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.