Home Afsomali Xildhibaano Maamul Goboleyd oo lagu soo oogay in ay ka danbeeyeen dad...

Xildhibaano Maamul Goboleyd oo lagu soo oogay in ay ka danbeeyeen dad iyo guryo la gubay

Maxkamadda Ciidamada qalabka sidda ayaa dacwad kusoo oogtay Xildhibaano iyo Saraakiil Ciidan oo kala tirsan maamulada Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed oo lagu eedeeyay in ay ka qeyb qaateen hurinta dagaalkii ka dhacay degmada Wanlaweyn.

Xildhibaan Aadan Cabdi Faarax kala dire oo ka tirsan baarlamaanka maamulka Hirshabeelle iyo Xildhibaan Mayow Mustaf Xasan oo ka tirsan baarlamaanka maamulka Koonfur Galbeed ayaa loo heystaa in ay ka qeyb ahaayeen dagaalladii ka dhacay degmada Wanlaweyn.

Maxkamadda Ciidamada ayaa amartay in baaritaano dheeraad ah lagu sameeyo Xildhibaanada lagu eedeyay hurinta Colaad beeleedyada.

Xeerilaaliye ku xigeenka Maxkamada Ciidamada ayaa sheegay in maamulada Koonfur Galbeed iyo Hirshabeelle laga dalbanaayo in Xildhibaanadaasi Maxkamad la geeyo iyo xarumaha baarista.

Waxaa sidoo kale ka mid ah dadka loo heysto dagaalkii Walaweyn Salaad Tifow oo ah abaanduulaha qeybta 7-aad ee Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.