Home Afsomali Maamulka Koofur galbeyd oo ku dhawaaqay in uu hakiyey Gaadiidka Muqdisho uga...

Maamulka Koofur galbeyd oo ku dhawaaqay in uu hakiyey Gaadiidka Muqdisho uga imanaya

Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed ee  Soomaaliya ayaa soo saaray go’aan ay ku doonayaan in ay joojiyaan gaadiidka dadweynaha ee ka baxa Muqdisho ee aada degaanada maamulka Koonfur Galbeed.

Wasaaradda Gaadiidka Cirka iyo Dhulka ee Koonfur Galbeed ayaa hakisay isku socodka gaadiidka rakaabka ee ka tega Muqdisho ee aada deegaanada Maamulkaas.

War kasoo baxay Wasaaradda Gaadiidka Maamulkaas ayaa waxaa lagu sheegay in laga bilaabo 16-ka Bishaa April la joojiyay gaadiidka rakaabka ee tegi jiray deegaanada Koonfur Galbeed si looga hortego faafida Cudurka COVID-19.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.