Home Afsomali Fanaan Cumar Cabdulle Shooli Oo Ku Geeriyooday Muqdisho

Fanaan Cumar Cabdulle Shooli Oo Ku Geeriyooday Muqdisho

Hobolkii caanka ahaa ee Al Fanaan Cumar Shooli ayaa caawa ku geeriyooday isbitaal ku yaala magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

Marxuumka ayaa lagu waramay in maalmihii lasoo dhaafay uu ku xanuunsanayey caasimadda dalka isla markaana uu koomo ku jiray.

Wiilkiisa, Axmed,ayaa  geerida aabihii u xaqiijiyey Warbahinta , ayaa sheegay in uu la xanuunsanaa xanuuno ay kamid yihiin Sokor iyo Dhiigkar.

Shacabka Soomaaliyeed iyo bahdiisa fanka ayaa tacsi tiiraanyo leh waxay u direen ehelkiisa, iyagoo u rajeeyey bedel wanaagsan.

Cumar Shooli ayaa kamid ahaa fanaaniinta Soomaalida kuwooda loogu jecel yahay, wuxuuna qaadey hees kala duwan oo hirgalay, kuwaasoo aad loo jeclaaday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.