Home Afsomali Sawirada Turkiga oo diyaarad sida Shixnad qalab caafimaad ah u direy Muqdisho

Sawirada Turkiga oo diyaarad sida Shixnad qalab caafimaad ah u direy Muqdisho

Dowladda aynu Walaaha nahay ee Turkiga ayaa agab loogu talagalay ka hortagga COVID-19 soo gaarsiisay magaalada Muqdisho.

Diyaaraddii siday shixnadda oo soo caga dhigatay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ayaa mas’uuliyiin ka tirsan hay’adda bisha cas ee Turkiga waxa ay agabkii ku wareejiyeen madax ka tirsan Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya, si loogu isticmaalo ka hortaga cudurka safmarka ah ee Coronavirus.

Dowladda Turkiga ayaa ka mid ah wadamada saaxiibka dhaw la ah Soomaaliya, iyadoo markasta shacabka iyo Dowladda Soomaaliya la garab taagan kaalmo walaaltinimada oo dhinac kasta leh.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.