Sadax caruur ah oo hooyadood sharoobo ahaan u siisay suntan dhilqaha ayaa goor dhaweyd ku dhinta dagmada wanle weyn ee Gobolka Sh/hoose
Dhacdadaan xanuunka badan ee ay ku nafwaayeen Carruurta oo Maalmahaan u qandhanaa ayaa la sheegay in Hooyadii dhashay Carruurta ay siisay Sunta Dhiqlaha,kadib markii Hooyadu ay ku qalada Dhalo ay ugu jirtay Sharoobada Xanuun Baabi’iyaha ah.
Mid kamid ah Dadka Degaanka ayaa Caawa saxaafada u sheegay in Aabaha dhalay Galabta uu keenay Sunta Dhiqlaha iyo Sharoobo Xanuun baabi’iye ah,waxaana Hoyada oo aan waxna qorin waxna aqrin ay ku qaladay Dhalada ay ku jirtay Sunta midii Daawada Kaarka Jabisa ay ku jirtay,waxaana halkaas ku dhintay Saddexdii Canug Inkastoo waxkasta ay ka Qornaayeen Xag Alle.
https://youtu.be/N5I81-k_a18
Dhanka youtube ka https://www.youtube.com/channel/UCbEqHSbI6baCmdD0pnfHJ7g/videos?sort=dd&shelf_id=0&view=0