Home Afsomali Full VIDEO Wasaaradda Caafimaadka Dalka Oo Xaqiijisay In Xaalado Cusub Oo COVID-19...

Full VIDEO Wasaaradda Caafimaadka Dalka Oo Xaqiijisay In Xaalado Cusub Oo COVID-19 Ah La Diiwaan Geliyay 24-kii Saac Ee Ugu Dambeeyay

https://youtu.be/olbZEHkI0qQ

https://youtu.be/PK7hKWFOoeo

Wasaaradda Caafimaadka Dalka Oo Xaqiijisay In Xaalado Cusub Oo COVID-19 Ah La Diiwaan Geliyay 24-kii Saac Ee Ugu Dambeeyay

Wasaaradda caafimaadka xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa xaqiijisay in la diiwaan geliyay 54 xaalado cusub oo COVID-19 ah oo 40 kamid ah ay rag yihiin 14-na ay haween yihiin. Dhammaan bukaannada cusub waxaa laga diiwaan geliyay gobalka Banaadir. Hal bukaan ayaa ka bogsooday xanuunka.

Tirada xaaladaha COVID-19 ee dalka laga diiwaan geliyay waxey gaartay 582, waxaana ka bogsooday labaatan Ruux. 28 ruux ayaa u geeriyootay cudurka.

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada XFS, Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa dadka Soomaaliyeed ugu baaqday inay qaataan talooyinka caafimaad iyo amarrada dowladda ee qaybta ka ah qorshaha xakameynta faafitaanka Feyryska Karoona

Dowladda ayaa sameysay qorshe guud oo lagu xakameynayo faafitaanka iyo saameynta kale ee COVID-19. Waxaa la hir geliyay Isbitaallo lagula tacaalo bukaannada uu haleelo Feyruska Karoona, waxaana dalka soo gaaray qalab caafimaad oo dowladdu soo iibsatay.

Taageero isugu jirta qalab caafimaad iyo dawo qayb ka ah awood siinta dowlad gobaleedyada ayaa dowladdu gaarsiisay qaar kamid ah Dowlad gobaleedyada iyada oo sidoo kale taageero taa lamid ah la gaarsiinayo dowlad gobaleedyada kale.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.