Home Afsomali Full VIDEO 70 xaalado cusub oo COVID-19

Full VIDEO 70 xaalado cusub oo COVID-19

https://youtu.be/aqmUfE67gCc

https://youtu.be/5CHJRe8KCuQ

Wasaaradda caafimaadka xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa xaqiijisay in maanta dalka laga diiwaan geliyay 70 xaalado cusub oo COVID-19. Sedax bukaan ayaa cudurka ugu geeriyooday gobalka Banaadir, Puntiland iyo Somaliland.

 

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada XFS, Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa warbixinta maalinlaha ah ee Feyruska Karoona waxay ku sheegtay in 48 kamid ah bukaannda cusub ay rag 22-na haween. 3 qofood oo cusub ayaa ka bogsooday xanuunka.

67 kamid ah bukaannada cusub waxaa laga diiwaan geliyay gobalka Banaadir, sedaxda-na waxay ku suganyihiin Somaliland.

Tirada xaaladaha COVID-19 ee wasaaradda caafimaadku ay dalka ka diiwaan gelisay ayaa gaartay 670, waxaa cudurka ka bogsooday 34 Ruux. 31 ruux oo kale ayaana u geeriyooday.

Dowladda oo wadda dadaallo looga hor-tegayo laguna xakameynayo faafitaanka COVID-19, ayaa qalab caafimaad iyo dawooyin gaarsiisay dowlad gobaleedyada dalka si ay awood ugu yeeshaan la tacaalidda Feyruska Karoona.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.