1-Madaxweynaha Hirshabeelle Mudane Maxamed Cabdi Waare ayaa shaaca ka qaaday mar dhow in Dowladda Dhexe soo gaarsiiyay $1142000(Hal Malyan boqol iyo Afartan iyo Labo Dollar) oo dowr ka qaadan doonta ka hortaga Fatahaadda Bweyne.
2- Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta Soomaaliya #Mudane_Eng_Cabdi_Canshuur_Xasan ayaa u diray B/weyne maanta 6 diyaarad oo siday agab looga hortago Fatahaadda #B_weyne
3-Injineeradda dowladda dhexe u dirtay Bweyne ayaa maanta bilaabay Biyo Xireen (Carro tuurkii) 4 aad, iyagoo kaashanaya Guddiga Fatahaadda Bweyne, iyadoo la xaqiijiyay in Fataahaaddu ama Biyo_Baxadu aysoo jibisay Biyo Xireenkii kowaad, oo ay soo gaareen Biyo_Xireenkii labaad.
Dadaalka Dowladda Dhexe ee Hantida, Agabka iyo Khibrada isugu jira, dadaalka Shacabka oo #ugaas_Xasan_Ugaas_Khaliif hormuudka u yahay Dadaalka Gudigga Fatahaadda, dadaalka Howl wadeenada Gobolka Hiiraan oo #Gudoomiye_Cali_Jeyte ugu horeeyo, Dadaalka Dowlad Goboleedka Hirshabeelle dhamaan waa wax ku ool oo is dhamesytiraya.