Home Afsomali Full VIDEO Soomaaliya waxay noqotay Heerka 2-aad ee ugu sarreeya Fidinta 19-ka...

Full VIDEO Soomaaliya waxay noqotay Heerka 2-aad ee ugu sarreeya Fidinta 19-ka Gobol ee Geeska Afrika

https://youtu.be/w6dzjbOXfYg

https://youtu.be/RlC-waq8EAg

Wasaaradda caafimaadka xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS) ayaa xaqiijisay in 24-kii saac ee lasoo dhaafay dalka laga diiwaan geliyay 35 xaaladood oo COVID-19 ah.

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada XFS, Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa sidoo kale caddeysay in hal ruux uu u geeriyooday, 3 qofood oo kalana ay ka bogsoodeen, iyo in xaaladaha cusub laga diiwaan geliyay gobalka Banaadir 24 Somaliland 8 iyo Puntiland 3.

Bukaannda cusub 25 kamid waa rag 10-ka kalana waa haween. Tirada xaaladaha COVID-19 ee dalka laga diiwaan geliyay ayaa gaartay 1,089 xaaladood, 52 bukaan ayaa u geeriyooday cudurka, waxaana bogsootay 121 ruux.

Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa ugu baaqday shacabka Soomaaliyeed inay qaataan talooyinka caafimaad ayna ku dhaqmaan tillaabooyinka lagu xakameynayo COVID-19, si guul looga gaaro dadaallada sare loogu qaadayo bed-qabka bulshada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.