Home Afsomali Qaabkee Alshabaab looga daayey Silvia Romano ma madaxfurasho Lacageed mise...

Qaabkee Alshabaab looga daayey Silvia Romano ma madaxfurasho Lacageed mise howlgal qorsheysan

Wargeyska Corriere della Sera ee dalka Talyaaniga ayaa qoray war bixin ka Duwan Tan Dowlada Federaalka aheyd ee in la Soo furtay Silvia Romano muda Afduub u Heysteen Xarakada Alshabaab

Silvia Romano ayaa laga soo afduubtay Dalka Kenya iyadoona loo soo Tilaqbiyey Dalka Soomaliya Halkaa oo in mudaa lagu haayey

Joornaalkaan oo ah kan ugu Afka Dheer Talyaaniga ayaa wareysi ka qaaday Sivia Romano kaa oo ku sheegtay in Dhowr cajalada laga Duubay si loo tuso in aan Caafimaad Qabo si wada hadalada u socodaan

Wargeyska Corriere della Sera ayaa cadeeyey in sii deynteeda ka shaqeyeen Sirdoonada Talyaaniga,Turkiga iyo kan Soomaliya iyadoona sida la sheegay Alshabaab wada hadalo lagaleen Sir doonadaasi si lacagta u soo bixiyaan Haweyneydana loo sii daayo

War bixinta ayaa lagu sheegay wadahadalada socdeen Dhowr Bil sida lagu sii deen lahaan laga shaqeynaayey

Wargeyska Corriere della Sera ayaa sheegay lacagta lagu sii daayey Silva ayaa dhaneed Laba Malyen ilaa Afar Malyen Eyro iyadoona 8 Bisha May 2020 lagu kala wareegay meel qiyaastii u jirta Muqdiaho 30 Km

Waxaana Goobta lagu sii deynaayo Ku sugnaa 3 Sirdoon iyo Alshabaab halkaan Lacagtii ayaa lagu wareejiyey Alshabaab iyagana waxay soo wareejiyeen Silva Romano oo muda madax Furasha loo heystay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.