Madaxweynaha Dow Hirshabelle Dr Maxamed Cabdi Waare ayaa si faah faahsan kaga hadlay Saameynta Fatahaada Beledweyne iyo guud Ahaan Hirshabelle Shir Online ahaa Oo uu shir Guddoominayay Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda, mudane Xasan Cali Kheyre waxaana looga hadlay Xaaladda bini’aadninimo ee Beledweyne iyo gobalka Shabeellada Dhexe.
Shirkan waxaa ka qeyb galay wakiillo ka socda dalalka iyo hay’adaha deeqda bixiya iyo hay’adaha fuliya oo ay ka mid ahaayeen Mareykanka, Jarmalka, Sweden, UK, Masar, Turkiga, Norway, Talyaaniga, EU, Amisom iyo Baniga Adduunka.
Madaxweynaha Hir-Shabelle ayaa ka hadlay sida muhiim ay u tahay Xal u helida fatahaada Beledweyne ku soo noq noqday, iyo saameynta Culus ay ku yeeshaan Bulshada Hirshabelle, waxaana uu soo jeediyay talooyin ku aaddan sidii xal waara loogu heli helaa.
Kulanka ayaa lagu go’aamiyay in xal waara loo helo dhibaatada fatahaadaha iyo abaaraha, lana sameeyo qorshe lagu maareynayo biyaha, In loo gurmado dadka ka barakacay fatahaadaha magaalada Beledweyne iyo tuulooyinka hoos taga Jowhar.
Ra’iisul Wasaaraha dalka Xasan Cali Kheyre ayaa bogaadiyay dadaalka ay sameeyeen Dawladda Federaalka iyo Dawlad-goboleedka Hir-Shabelle, kuwaas oo yareeyay khasaarihii uu inta badan sameyn jiray wabiga.