Xarakada Al-Shabaab ayaa beenisay war uu qoray mid kamid ah wargeysyada kasoo baxa wadanka Talyaaniga kaas oo sheegay inuu waraysi la yeeshay afhayeenka xarakada Sheekh Cali Dheere.
Wargeyska La Repubblica ee kasoo baxa wadanka Talyaaniga ayaa sheegay in uu waraysi ka qaaday afhayeenka Mujaahidiinta Al-Shabaab Sheekh Cali Dheere kaas oo uu wargeysku sheegay inuu u xaqiijiyay in Xarakadu ay madax furasho kusii daysay Caa’isha Romano oo ah gabar Talyaani ah.
Wargeyska La Repubblica ayaa intaas ku daray in afhayeenka xarakadu uu u sheegay in malaayiin doolar oo ah madax furashadii lagu sii daayay Caa’isha Romano “lagusoo iibin doono hub si jihaadka loogu sii wado” sida uu wargeysku ku andacooday.
Balse Xafiiska Warfaafinta Xarakada Al-Shabaab ayaa waraysigaas ku sheegay mid been abuur ah oo aanan sal iyo raad toona lahayn islamarkaasna uusan jirin wax waraysi ah oo Sheekh Cali Dheere uu siiyay Wargeyska.
” Ma jiro wax waraysi ah oo uu afhayeenka Xarakadu siisay guud ahaan warbaahinta oo ku saabsan arrinta Caa’isha Romano hadalka wargeyska Talyaaniga ah ee La Repubblica uu soo daabacayna waa been abuur uu wargeysku jeebkiisa kala soo baxay” Sidaas waxaa Shabakada Wararka SomaliMeMo u sheegay sarkaal sare oo katirsan Xafiiska Warfaafinta Xarakada Al-Shabaab.
Mas’uulkan la hadlay SomaliMeMo ayaa hadalka been abuurka ah uu ee qoray wargeyska La Repubblica ku tilmaamay mid ay gadaal ka riixayaan siyaasadaha xisbiyada cunsuriyiinta ah ee Talyaaniga kuwaas oo maalmihii lasoo dhaafay weerar dhanka afka ah iyo hanjabaad usoo jeedinayay gabadha Muslimadda ah ee Caa’isha Romano kadib marki ay shaaca ka qaaday in ay Diinta Islaamka qaadatay islamarkaasna iyadoo xijaaban ay kasoo degtay garoonka diyaarada ee Magaalada Roma.
Ma aha markii ugu horeysay ee ay Warbaahin reer galbeed ah waraysiyo been abuur ah sheegto inay ka qaaday masuul ka tirsan Mujaahidiinta Al-Shabaab, kuwaas oo inta badan ujeedadoodu ahaayd inay ku suurad-xumeeyaan Mujaahidiinta ama dano siyaasadeed oo u gaar ah iyaga iyo xulafadooda ku gaaraan.