Home Afsomali Somali heysatay dhalashada wadamada Mareykanka, Canada iyo Britain oo diyaarad Muqdisho looga...

Somali heysatay dhalashada wadamada Mareykanka, Canada iyo Britain oo diyaarad Muqdisho looga daabulay

Diyaarad gaar ah ayaa maanta garoonka diyaaradaha ee Aadan-Cadde ka  qaadeysa 160 qof oo ku xayirmey magaalada kadib markii la joojiyey inta badanduulamaadyadii dunida, sababo la xiriira xanuunka Coronavirus.

Dadkan ayaa ah Soomaali heysta dhalashada dalalka Mareykanka, Canada iyo Britain, sida ila xog-ogaal ah ay Warbaahinta u sheegeen.

Safaarada Mareykanka oo iyadu markii hore diyaarisey duulimaadkan ayaa dooneysey in ay muwaadiniinteeda ku keento dalkan Mareykanka.

Diyaarada Ethiopian Airlines ayaa galabta ka duuli doonta Muqdisho waxaana ay dadkan geyn doontaa magaalada Addis Ababa oo ay ka dibna ka soo qaadan doonaan duulimaadyo tagaya magaalooyinka Washington DC, London iyo Toronto.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.