Home Afsomali Madaxweyne Waare Oo ummaddaha Muslimiita Gaar ahaan kuwa Soomaaliyeed ugu hamalyeeyey Munaasibada...

Madaxweyne Waare Oo ummaddaha Muslimiita Gaar ahaan kuwa Soomaaliyeed ugu hamalyeeyey Munaasibada Ciidul Fitriga

Madaxweynaha maamulka Hirshabelle Dr Maxamed Cabdi Waare ayaa shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan bulshada Hirshabelle meel kasta oo ay joogaan ugu hambalyeeyay munaasabadda Ciidul Fidriga.

Madaxweynaha oo ku hadlayay afka Golayaasha dowladda ayaa sheegay in bishii Ramadaan ee kheyrka badneyd uu Ilaahay dadka naxariis ballaaran u fidiyo,  loona baahan yahay shacabka Soomaaliyeed iyagoo taas la shidaal qaadanaya inay is cafiyaan, isu naxariistaan, isuna gargaaraan munaasabadda Ciidul Fidriga awgeed, isagoo Alla ka baryay in alla uu naga dulqaado Cudurka Safmarka ah ee Covid 19.

“Ilaahay ha inaga aqbalo soonka iyo cibaaddada kale ee aan la nimid bisha Ramadaan, shacabka Soomaaliyeedna Ilaahay ha siiyo raxmad, nabad iyo caddaalad, Inagoo ka faa’ideysaneyna munaasabaddan weyn ee kheyrka leh, waxaan Soomaalida ugu baaqayaa inay ka shaqeeyaan dib u heshiisiinta, nabad ku wada noolaansho si gaar ah Bulshada Reer Hirshabelle, waxaan rabi uga baryayaa Guud ahaan Dunida Gaar ahaan Umadda Soomaaliyeed in uu ilaah ka dulqaado Cudurka Sida daran u faafa ee Covid 19” Ayuu Yiri Madaxweyne Waare.

Dr Maxamed Cabdi Waare madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabelle  ayaa si gaar ah ugu  hambalyeeyay ciidamada qalabka sida ee  ka howlgala deegaannada Hirshabelle ee habeen Iyo maalin u taagan u qidmeynta bulshada iyo xaqiijinta amniga.

Ugu dambeyn Waare ayaa shacabka Soomaaliyeed  Ilaahay uga baryey in ciiddan ciiddeeda kale ay ku gaaraan, nabad, horumar ,barwaaqo iyo midnimo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.