Bukaannada cusub oo laga diiwaan geliyay Somaliland 8 iyo gobalka Banaadir 5 ayaa 10 kamid ah waxa ay yihiin rag, 3-na waa haween.
Feyruska Karoona waxaa bogsooday 12 qofood oo cusub taas oo tirada guud ee dadka bogsooday ka dhigeysa 265 qofood.
Lama diiwaan gelin bukaan cusub oo u geeriyooday COVID19, waxaana geerida guud mareysaa 67.
Dr. Maxamed Maxamuud Cali (Fuje) ayaa ku baaqay in lagu dadaalo kahor tagga iyo faafitaanka cudurka si loo yareeyo saameynta COVID19 uu bulshada ku yeelanayo.