Home Afsomali Madaxweynaha Cabdikariin oo xilkii ay ka qaadeen xildhibaanada maamulka Galmudug ku gacan...

Madaxweynaha Cabdikariin oo xilkii ay ka qaadeen xildhibaanada maamulka Galmudug ku gacan seyray

Madaxweynaha Cabdikariin oo xilkii ay ka qaadeen xildhibaanada maamulka Galmudug ku gacan seyray Wararka naga soo gaaraya magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in xilkii laga qaaday madaxweynaha Galmudug.

Xil ka qaadistan ayaa ka dambeysay kadib markii xildhibaanada baarlamaanka ay kulan ku yeesheen magaalada Cadaado oo xarun KMG ah u ah Galmudug.

Xildhibaanada baarlamaanka ayaa u codeeyay mooshinkii maalin ka hor laga

gudbiyay C/kariin Xuseen Guuleed.

54 xildhibaan oo kamid ah xildhibaanada baarlamaanka Galmudug ayaa u codeeyay xil ka qaadista madaxweyne C/kariin Xuseen Guuleed.

Xildhibaanada ayaa sheegay in dhawaan ay dooranayaan hogaan cusub oo uu yeesho maamulka Galmudug.

Guuleed ayaa shalay ka hadlay mooshinka laga gubdiyay wuxuuna ka dalbaday xildhibaanada inay mooshinka ka laabtaan, balse ma aysan dhicin.Xiisad ayaa ka taagan magaalada, waxaana aad loo hadal hayaa go’aanka  xildhibaanada.

https://youtu.be/N5I81-k_a18

Dhanka youtube ka https://www.youtube.com/channel/UCbEqHSbI6baCmdD0pnfHJ7g/videos?sort=dd&shelf_id=0&view=0

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.