Home Afsomali Full VIDEO Madaxweynaha Hirshabeelle State oo guddi isugu jira Wasiiro iyo...

Full VIDEO Madaxweynaha Hirshabeelle State oo guddi isugu jira Wasiiro iyo Xildhibaanno u saaray dilka shaqaale caafimaad oo ka dhacay Golaley

https://youtu.be/L72shkYGzJY

xasuuqii Gololey Madaxweyne Waare oo Amrey Baaritaano dheeri ah

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa magacaabay Guddi ka kooban 7 xubnood, kuwaasi oo baaritaanno ku soo sameynaya falkii 28-kii bishan lagu xasuuqay shaqaale caafimaad oo ka howlgalayay xarun caafimaad oo ku taala Tuulada Golaley degmada Balcad ee Gobolka ShabeelahaDhexe.

Wareegto ka soo baxda xafiiska Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa Guddoomiye looga dhigay Wasiirka Arrimaha Gudaha Hirshabeelle, halka ku-xigeen looga dhigay Wasiirka Cadaaladda, waxaana guddiga oo isuga jira, Wasiiro, Xildhibaanno, saraakiil ciidan iyo Maamulka Gobolka Shabeelaha Dhexe loo qabtay in muddo 30 cisho gudahood ay ku soo dhameeyeen baarista la xiriirta falka arxan darada ahaa ee lagu dilay sideed dhallinyaro ah.

Madaxweynaha Hirshabeelle mudane Waare ayaa tilmaamay in falka ka dhacay Golaley ay tahay mid ka baxsan beni’aadanimada iyo Soomaalinimada, loona baahanyahay in si deg deg ah looga jawaab celiyo ciddii falkaasi ka dambeysay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.