Home Afsomali Wasiirka Warfaafinta XFS oo C/fataax Jeyte u magacaabay Maareeyaha Wakaaladda Madbacadda Qaranka

Wasiirka Warfaafinta XFS oo C/fataax Jeyte u magacaabay Maareeyaha Wakaaladda Madbacadda Qaranka

Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa C/fataax Daahir Jeyte u magacaabay in uu noqdo Maareeyaha Wakaaladda Badbacada Qaranka Soomaaliyeed.

Maareeye Cabdifataax Daahir jeyte ayaa Buuxinaya Booskii uu ka geeriyooday  Marxuum Axmed Faarax Gaatamow .

Maxamed Cabdi Xayir Maareeye wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya ayaa faray agaasimaha guud iyo agaasime waaxyeedka kale in ay la shaqeeyaan Maareeyaha cusub,si uu u guto waajibaadka shaqo ee horyaala.

C/fataax Daahir jeyte ayaa horey u soo noqday agaasimaha RadioMuqdisho,iyadoo sidoo kale wuxuu shaqooyin kale duwan uu ka soo qabtay qeybaha warbaahinta Qaranka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.