Home Afsomali Haweeney ilmo yar oo ay xaday gurigeeda ku dhintay oo Dil toogasho...

Haweeney ilmo yar oo ay xaday gurigeeda ku dhintay oo Dil toogasho ah Maxkamadi ku xakuntay

Maxkamadda Darjada 1aad ee gobolka Bari Puntland ayaa  waxaa ay xukun dil toogasho ah ku riday Haweenay lagu Magacaabo Ruqiyo Cabdiraxmaan Maxamed oo loo heysto in ay xadday ilmo sannad-jir ah kaas oo ku dhintay gurigeeda.

Guddoomiyaha Maxkamadda gobolka Bari Abuukar Cabdinuur Jaamac ayaa sheegay in eedaysane Ruqiyo ay qiratay dambiga lagu soo oogay ee ah in ay xadday gabar sannad jir ahayd taasi oo gurigeeda ku dhimatay.

Sidoo kale Maxkamadda Darajada 1aad ee Gobolka Bari ayaa Ninka qabay Haweeneyda waxaa ay ku riday Xukun Saddex sano ah,sidoo kalena labada xukunsane ay haystaan mudda 30 cisha ah oo Rafcaan qaadasho ah.

Dhacdada ah in Haweeney Cunug ay xaday uu gurigeeda ku dhex dhinto ayaa bilihii la soo dhaafay waxaa aad looga hadal haayay deegaannada gobolka Bari.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.