Home Afsomali Xubnmo ka socdo Maamulka G/Hiiraan oo ku baxay shaqaaqo ka dhacday duleedka...

Xubnmo ka socdo Maamulka G/Hiiraan oo ku baxay shaqaaqo ka dhacday duleedka Beledweyne

Guddoomiye kuxigeenka Amniga & Maaliyadda Maamulka Gobolka Hiiraan Cabdullaahi Maadeey iyo Xubno la socda ayaa Maanta ku baxay Shaqaaqo degaanka burdho oo hoostago Ceelcali ee Gobolka Hiiraan.

Shaqaaqadaan ayaa waxaa ay u dhaxeysay laba maleeshiyo Beeleed oo Xoolo dhaqato ah,waxaana ay sababtay dhaawaca hal Ruux iyo kala dhaca Xoolo Nool,sida ay sheegeen dadka deegaannada ay Shaqaaqada ka dhacday.

Guddoomiye ku xigeenka Maaliyada iyo Siyaasada gobolka Hiiraan ayaa ugu baaqay inay xaalada dejiyaan,isla markaana miiska wada hadalka wax walba ku dhameeyaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.