Xildhibaano ka tirsan labadda Aqal ee baarlamaanka Soomaaliya oo Warbaahinta kula hadlay Muqdisho ayaa ku eedeeyay Madaxweyne Farmaajo in uu hareermaray qodobadii laga sugayay in uu ka hadlo.
Xildhibaanada ayaa sidoo kale xusay in Madaxweyne Farmaajo uusan ka hadlin Xasuuqii ka dhacay degaanka Gololey, Arrimaha badda sidoo kale Waqtiga rasmiga ah ee doorashada Soomaaliya ay dhici doonto.
Waxa ay sidoo kale sheegeen in ay matalaan Shacabka Soomaaliyeed, islamarkaana aysan fiirsan karin dhibaatooyinka heysta Shacabka Soomaaliyeed indhaha laga qarsado.
Buuq iyo Sawaxan ayaa hareeyay Khudbad Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu ka jeedinayay Furitaanka Kalfadhiga Xildhibaanada Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare.
Madaxweynaha ayaa markii uu bilaabay Khudbadda buuq iyo sawaxan kala kulmay qaar ka mid ah Xildhibaannada.
https://www.youtube.com/channel/UCtB0Vd0QKi5nBphW4ElN3AA/videos