Home Afsomali Maamulka Gobolka Hiiraa oo banaanbaxayaal farmaajo taageerayey kala eryey ( DAAWO SAWIRADA...

Maamulka Gobolka Hiiraa oo banaanbaxayaal farmaajo taageerayey kala eryey ( DAAWO SAWIRADA )

Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan waxaa saacadihii la soo dhaafay ka socday qaban qaabada banaanbax la sheegay in lagu taagerayo Madaxda Dowladda Federaalka,hayeeshee kaas oo aan weli qabsoomin.

Taliska Booliska Gobolka Hiiraan ayaa Ciidamo farabadan oo Booliis ah geeyay Goobo loo qorsheeyay in uu banaanbaxa ka dhaco,halkaas oo ay tegi lahaayeen dad dhigi lahaa banaanbaxa lagu taageray dowladda.

Taliyaha Ciidaka Booliska Gobolka Hiiraan Cali Dhuux cabdi Mahadalle ayaa sheegay in aysan ogolaan doonin banaanbaxyo sharci darro ah oo lagu qabto Magaalada Beledweyne,isla markaana banaanbax aan la ogeysiin laamaha amniga aan la qaban karin.

Dhinaca kale Guddoomiye ku xigeenka Amniga gobolka Hiiraan oo goordhaw Wariyeyaasha kula hadlay fogaarayaal xalay lagu balamiyay banaanbaxayaal taageersan dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in Muxaafid iyo Mucaarad aan ogalaansho ka heysan Hir-Shabeelle dhigi karin banaanbax.

Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya Magaalada Beledweyne ayaa waxaa ay sheegayaan in guud ahaan wadooyinka Magaalada Beledweyne ay xiran yihiin,kadib markii la dhoobay Ciidamo farabadan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.