Home Afsomali Qarax iyo dagaal ka dhacay Jubbaland

Qarax iyo dagaal ka dhacay Jubbaland

Warar dheeraad ah ayaa waxay ka soo baxayaan dagaal culus oo xalay degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo ku dhex-maray Ciidamada Dowladda Goboleedka Jubbaland iyo Ururka Al-Shabaab.

Dagaalka ayaa bilowday Xalay Abara 10-kii Habeenimo iyo Daryanka Rasaasta kala duwan oo ay isu adeegsanayeen Dhinacyada Dagaalamay.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab sida la sheegay ay weerar ku qaadeen saldhigyada Ciidamada Jubbaland ee degmadaasi Ceelwaaq,waxaana halkaasi ka dhacay dagaal in ka badan saacad socday.

Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in Isgaarsiinta degmada Ceelwaaq ay saaka hawada ka maqan tahay, iyada oo taasi aan la ogeyn,waxaana yar wararka laga heli karo dagaalkii Ciidanka Jubaland iyo Al-Shabaab ku dhex-maray degmada Ceelwaaq.

Ceel waaq oo ka tirsan Jubbaland ayaa waxaa ku sugan Ciidamo kala taabacsan kuwa dowlada iyo Madaxwaynaha Jubbaland ahmed Mohamed Islaam ahmed Madoobe.

Sidoo kale Qaybo Kamid ah Gobolka waxaa wali ku sugan wasiirka amniga Cabdirashiid Janan kaas oo ka baxsaday Xabsi ku yaal Muqdisho dowladana ay sheegtay in ay waaran caalami ah kusoo xireyso.

Laamaha amniga ee Gobolka gedo ayaan wali ka hadlin dagaalkan ka dhacay Ceel waaq Balse waxaa la xasuustaa in tiro dhowr jeer ah Ciidamada Jubbaland ee Gobolkaas ku sugan weeraro kusoo qaadeen Alshabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.