Taliska Guutada 15aad oo kaashanaya Taliska Qaybta 27aad ayaa ku guuleestay inay kala qaadaan maleeshiyaadkii dhawaan ku dagaalamay deegaanada’ Mirijibaaley,Ceyrdaye iyo Miiracad oo dhamaantood hoostaga degmada Maxaas ee gobolka hiiraan oo dadkaasi wada degaan.
Madaxweyne waare ayaa faray ciidamo uu hogaaminayey Taliyaha Guutada 15aad Janeraal Mascuud maxamed iyo saraakiisha iyo Ciidamada Guutada in ay gaaraan deegaanada colaado ka qaraxday waxayna maalintii shanaad ku hoyanaya deegaanadaas hoowdka ah ee lagu dagaalamay si xal looga gaaro dagaal beeleedkii halkaasi ka dhacay.
Sidoo kale deegaananda Mirijibaaley,Ceyrdaye iyo Miiracad oo hoostaga degmada Maxaas ayaa waxaa ku sugan saraakiil ka tirsan Taliska Qaybta 27aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.
War kasoo baxay Taliska Guutada 15aad ayaa waxaa lagu sheegay in Ciidamada ay guud ahaan xaqiijiyeen amniga deegaannada lagu dagaalamay,isla markaana ay kala qaadeen labadii maleeshiyo beeleed ee dagaalamay.
Maalmaha soo socda ayaa waxaa la filayaa in ay bilaawdaan shirar looga hadlayo xal kagaarista colaada sokeeye oo aagaas ku dhex marta dadka wada daga gobolka Hiiraan & Galgaduud ee Bartamaha Soomaaliya.