Shirkii Somaliland iyo Soomaaliya ee dalka Jabuuti ayaa lagu kala kacay wajigiisii hore, ka dib markii Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi uu sheegay in ajandaha kulanka lagu daro aqoonsiga Somaliland iyo in dawladda Soomaaliya ay ka garowdo xasuuqii ay u gaysatay dawladdii kacaanku shacabka Somaliland.
Gudoomiyaha Golaha guurtida ee Somaliland Saleebaan Maxamud Aaden ayaa sheegay in ay hadda ku kala kaceen wafdiga dawladda Federaalka shirka uga socda Jabuuti, wuxuu sheegay in qodobada Ajendaha iyo fulinta heshiisyadii hore ay dhinacyadu isku qabteen.
Gudoomiyaha ayaa sheegay in aysan jiri doonin wax wadahadal ah oo labada dhinac dhexmari doona, maadaama Madaxweyne Farmaajo uusan fulin qodobadii lagu horay loogu heshiiyay.
Natiijo la’aanta ayaa timid kadib markii Madaxweynaha Somaliland uu dalbaday Ajandaha Shirka in lagu soo daro gooni Isu taaga Somaliland.
Labada qodob oo uu miiska saaray madaxweyne Biixi ayaa sababay in shirkii wajigiisii koobaad halka maanta lagu joojiyo ayaa kala ah:
1. In garawshiyo laga bixiyo xasuuqii loo geystay shacabka Somaliland.
2. In lagu daro ajandaha in Somaliland aqoonsi la siiyo