Home Afsomali Full VIDEO Madaxweyne Farmaajo oo xarigga ka jaray Madxafka Qaranka ( DAAWO...

Full VIDEO Madaxweyne Farmaajo oo xarigga ka jaray Madxafka Qaranka ( DAAWO SAWIRADA

https://youtu.be/8gL2SmhH4Ic

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo xarigga ka jaray Madxafka Qaranka ayaa ku bogaadiyey dhallinyaradii isu xilqaamay dib u dhiska Madxafka, ganacsatada Soomaaliyeed iyo shaqaalaha rayidka ah ee Dowladda sida ay uga mira dhaliyeen baaqii ku saabsanaa in dib loo dhiso xarumaha danta guud, bilicda iyo kaabeyaasha nolasha.

Madaxweynaha ayaa ku ammaanay dhallinyarada Soomaaliyeed sida ay Dowladda ugu gacan siinayaan horumarinta iyo dib u dhiska dalka, iyaga oo mideysan kana fog qabyaaladda iyo kooxeysiga, taas oo ah jidka kaliya ee ay kula tartami karaan barbaarta caalamka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ku adkeeyey Taariikhyahannada iyo hal abuurka Soomaaliyeed in ay xoojiyaan doorkooda ku aaddan ilaalinta taariikhdii gobonimo doonka dalkeenna oo ku suntan midnimo, wadajir iyo howlkarnimo, isla markaasna ay uga tagaan shacabkeenna dhaxal Hiddo-raac ah oo u iftiiminaya mustaqbalkooda.

“Dhismaha Madxafka Qaranka waa tallaabadii ugu horreysay ee ku aaddan soo nooleynta taariikhda dadkeenna iyo dalkeenna, waxaa ina hortaalla shaqo baaxad weyn oo ku saabsan sidii aan dib ugu soo celin lahayn aasaartii iyo milgihii keydsanaa ee dalkeenna, waana arrin uu gacan ka geysan karo muwaadin kasta oo qadarinaya sooyaalka iyo mustaqbalka Umadda Soomaaliyeed.”

Munaasabadda Xarig-jarka Madxafka Qaranka waxaa ka qaybgalay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir  Cumar Maxamuud Maxamed Filish iyo Ku-xigeennadiisa, Wasiirro ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Taliyeyaasha Ciidamada Qalabka Sida iyo Guddiyada Heer Federaal iyo Heer Gobol ee Xuska 60-guurada Xornimada iyo Midnimada.

 56A6953
 56A7003
 56A7043
 56A7037
 56A6965
IB0A7034
 56A7001
 56A7000

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.