Home Afsomali Shiinaha oo diiday heshiis ay wada galeen maamulo gooni u goosad ka...

Shiinaha oo diiday heshiis ay wada galeen maamulo gooni u goosad ka ah Somalia iyo Shiinaha Dadka

Dowladda Shiinaha ayaa si adag uga soo horjeesatay xiriirka ay shaaciyeen in ay sameysteen Somaliland iyo Taiwan oo aan weli labadooda dalal loo aqoonsan.

Taiwan waa qeyb kamid ah wadanka Shiinaha balse raadineysa inay ka go’do dalkaas,halka Somaliland ay kamid tahay Soomaaliya,isla markaana muddo 30 sano ah ay raadinayaan inay helaan aqoonsi dowlad gaar ah oo ka madax banaan Soomaaliya,hayeeshee aysan weli helin.

War kasoo baxay Safaarada Shiinaha ee Muqdisho ayaa lagu shaaciyay in marnaba aysan ogolaan dooninin xiiir gaar ah lala yeesho Taiwan oo ay sheegeen inay Shiinaha ka mid tahay.

“Uma oggolaanayno in qof, urur ama xisbi siyaasadeed midkoodna uu ka gooyo dhul Shiinaha, waqti kasta ama qaab kasta. Taiwan waa qayb ka mid ah Shiinaha oo aan laga goyn karin ayaa lagu yiri” warka kasoo baxay Safaarada Shiinaha ee Muqdisho.

Soomaaliland oo kamid ah dalka Soomaaliya ayaa in ka badan 30 Sano waxaa ay shaacineysay inay ka go’day Soomaaliya inteeda kale walow weli aysan helin aqoonsi,waxaana xiriiro kala duwan ay la leedahay qaar kamid ah dalalka Caalamka gaar ahaan kuwa deriska.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.