Home Afsomali Dowlada Somalia Daah-Furay Imitaxaanka Shahaadiga Ah Ee Dugsiyada Sare marka lga reebo...

Dowlada Somalia Daah-Furay Imitaxaanka Shahaadiga Ah Ee Dugsiyada Sare marka lga reebo Puntland iyo Somaliland

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed ayaa daahfuray Imtixaanka dugsiyadda Sare ee dalka oo ka bilowday dhammaan gobollada dalka Marka laga reebo Somaliland iyo Puntland.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalk oo Warbaahinta la hadlayay ayaa sheegay in uu guul u rajeynaayo Ardeyda Imtixaanka u fadhiisatay, isagoo xusay in aad loo adkeeyay sanadkaan si uusan banaanka u bixin Imtixaanka.

Xarumaha Imtixanka lagu galayo ayaa la geeyay ciidamo booliis ah oo lagu talagay sugida amaanka xarumahaasi, waaxana sidoo kale jooga kormeerayaal lagu tala galay in ay ilaaliyaan Imtixanadka, kuwaasi oo ka socda Wasaaradda Waxbarashada.

Wararka kale ee laga helayo Goobaha Waxbarashada ayaa sheegaya in Shamso Maxamed Xaashi oo ah Ardayad Umushay Xiligii imtixaamka ay u fariisan lahayd ayay Dowladda Soomaaliya Imtixaamka Dugsiga Sare ugu geysay Cusbitaalka Kalkaal ee Magaalada Muqdisho.

Galmudugna, Wasirrka Waxbarshada Galmudug Maxamed Xaashi Dhoore ayaa magaalada Dhuusamareeb ka daah furay imtixanka Qaranka Fasalka 4-aad ee dugsiga sare sanad dusiyeedka 2019-2020 oo maanta halkaa ka furmay, waxaana u fariistay in ka badan 2,500 oo arday deegaanada Galmudug.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.