NIN SHEEGTAY INUU NABI YAHAY OO LAGU DHEX DILAY MAXKAMAD DHEXDEEDA.
Nin lagu eedeeyay inuu sheegtay nabinnimo ayaa toogasho lagu dilay isagoo ku jira gudaha maxkamad ku taalla dalka Pakistan, xilli uu dhageysiga dacwaddiisa ka socday magaalada waqooyi ee Peshawar.
Waxaa kiis maxkamadeed lagu soo oogay markii sida la sheegay uu isku dayay inuu dadka ka dhaadhiciyo inuu yahay nabi.
Sheegashada nabinimada iyo aflagaaddada loo geysto diinta Islaamka ayaa dalka Pakistan waxaa ciqaabteeda ay ka noqon kartaa dil.
Inkastoo wali aysan jirin cid ay dowladda u toogatay arrimahaas, haddana waxaa marar badan ay horseedaan inuu dhaco qalalaase iyo weerar.
Ninka la dilay, oo lagu magacaabi jiray Tahir Ahmad Naseem, ayaa sanadkii 2018-kii lagu soo eedeeyay inuu nabinimada sheegtay, waxaana eedeyntaas soo gudbiyay qof dhowr iyo toban jir ah.
Subaxnimadii saaka, oo Arbaco ah ayaa la dilay isagoo garsooraha hor taagan.
Muuqaal lagu shaaciyay baraha bulshada ayaa laga arkayaa meydkiisa oo saaran mid ka mid ah kuraasta maxkamadda.
Ninka weerarka dilka ah fuliyay ayaa durbadiiba lagu xiray goobta. Muuqaal kale ayaa laga soo duubay isagoo gacmaha ka xiran, oo ku qeylinaya ninka uu dilay, isagoo ku tilmaamaya “cadowga Islaamka”.
Mr Naseem waxaa markii ugu horreysay eedeeyay wiil lagu magacaabo Awais Malik, oo arday ka ah madaraso ku taalla magaalada Peshawar.
Sida lagu sheegay eedeynta, Mr Naseem ayaa wiilkaas khadka internet-ka kula hadlay isagoo ku nool waddanka Mareykanka.
Mr Malik, ayaa BBC-da u sheegay inuu markii dambe Mr Naseem kula kulmay dukaan ku yaalla magaalada Peshawar, si uu ugala sheekeysto waxa uu ka aaminsan yahay diinta, kaddibna uu booliska ku dacweeyay.