Wasiiru-dowlah wasaarrada Arrimaha dibada xukuumada Soomaaliya Khaalid Cali Cumar oo loga bartay in uu hadlo xiliyada xaaladu kacsan tahay ayaa warbaahinta u sheegay in mudo dheer shaqaalaha dowladda iyo ciidamada Soomaaliyeed aysan wax mishaar ah qaadan isaga oo eedeyn u jeediyay mas’uuliyiinta sare ee Qaranka.
Wasiirka ayaa sheegay in shaqaalaha rayidka dowladda Soomaaliya iyo ciidamada qalabka sidan wax mishaar ah qaadan sida uu hadalka u dhigay mudo ka badan 7 bilood, isaga oo intaa ku daray in madaxda Qaranka arintan ka warqabaan.
Wasiirka ayaa sheegay in wasaarada maaliyada ay ka warqabto in shaqaala iyo ciidamada qaadan wax mishaar ah In Muda ah.
‘’Ma’aha wax aan iska leedahaya in mudada inta la eg wax mishaar ah qaaday shaqaalaha dowlada iyo ciidamada waxaad ka arki kartaan liiska wasaarada maaliyada ay gacanta ku heyso’’ ayuu yiri wasiirka.
Eedeyntan ayaa u muuqata mid uu wasiirka ku soo beegay xili dalka loo diyaar garoobayo doorashada madaxweynaha oo la filayo in ay dhacdo bartamaha bishan.
Waa markii ugu horeysay oo wasiir ka tirsan dowlad federaalka Soomaaliya soo jeediyo eedeyntan oo kale ah oo Lagu Eedeenaayo Madaxda qaranka.
https://youtu.be/_JzDaxj-c6c
https://youtu.be/_JzDaxj-c6c
Dhanka youtube ka https://www.youtube.com/channel/UCbEqHSbI6baCmdD0pnfHJ7g/videos?shelf_id=0&sort=dd&view=0