Home Afsomali Maxay kenya u diiday in alshabaabka jooga mareykanku cirka ka duqeeyo macnaha...

Maxay kenya u diiday in alshabaabka jooga mareykanku cirka ka duqeeyo macnaha faham

Madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa warbaahinta France24 u sheegay inuusan oggolaan doonin in milatariga Mareykanka ay duqeymo cirka ah ka geystaan gudaha Kenya, isagoo beeniyay wararka sheegaya in aqalka Pentagon-ka uu oggolaasho weydiistay Kenya.

 

Wargeyska New York Times ayaa bishii la soo dhaafay shaaciyay in milatariga Mareykanka “ay oggolaasho u raadsanayaan inay duqeymo cirka ah ka egystaan qeybo ka tirsan bariga Kenya, iyagoo ku beegsanaya Alshabaab

“Howlo argagixiso way jiraan balse saldhigyo argagixso kuma lihin gudaha Kenya. Sidaas darteed, ma jirto waxaas,” ayuu yiri madaxweyne Kenyatta oo booqasho rasmi ah ku jooga Fransiiska.

Weerar ay bishii January Al-Shabab ku qaadeen saldhig Mareykanku ku leeyahay Kenya ayaa waxaa ku dhintay hal askari oo Mareykan ah iyo labo kale.

Warkan ayaa imaanaya iyadoo maalmo kahor ay maxkamad milatari oo ku taalla Soomaaliya ay xabsi daa`in ku xukuntay sarkaal ka tirsan Alshabaab oo lagu eedeeyay inuu door ku lahaa weerarkaas.

Waa weerarkii ugu horreeyay ee ay Al-Shabab ku qaadaan ciidamada Mareykanka ee ku sugan Kenya.

Kenya waxaa Soomaaliya ka jooga ciidan farabadan, kuwaas oo ka howlgalla degaano ka tirsan Maamulka Jubbaland, iyaga oo ku Shaqeeya Magaca howlgalka midowga Afrika ee AMISOM.

Mareykanka ayaa aalaaba weerarro cirka ah oo uu ku bartilmaameedsado Alshabaab ka fuliya Magaalooyin kamid ah dalka Soomaaliya,weeraradaas oo uu shego in uu ku dilo saraakiil ka tirsan Al-Shabaab, hayeeshee mararka qaar ay ku waxyeeloobaan dad rayid ah.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.