Home Afsomali Gaaljecel Iyo Geelidle Oo u Kala Qaatay Diyo Boqollaal Neef Oo Geel...

Gaaljecel Iyo Geelidle Oo u Kala Qaatay Diyo Boqollaal Neef Oo Geel Ah 

Munaasabad aad u ballaaran oo si wanaagsan loo soo agaasimay ayaa dhawaan ka dhacday deegaanka Burdho ee gobolka Bakool, halkaas oo ay diyo boqollaal neef oo geel ah ku kala qaateen beelaha walaalaha ah ee Gaaljecel iyo Geelidle.

Labadan qabiil oo ood wadaag ah ayaa waxay horey xurguf ugu dhexmartay deegaanno dhaca xuduuda ay wadaagaan gobollada Hiiraan iyo Bakool, ,

Waxay iska dileen 4 ruux oo labada dhinac ah, munaasabadana waxaa lagula kala wareegay diyada shakhsiyaatkaas horey loo diley oo dhan 400 oo neef oo geel ah.

Qabaa’ilka muslimiinta ah  ayaa mararka dhif dhifta ah ee uu gacan ka hadal dhexmaro waxaa ku baxa  iyadoona si deg deg ah loo xalliyo, maadaama waxa la isku xukumayo ay yihiin Shareecada Islaamka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.