Gudoomiyaha Gudiga qaban qaabada duubista iyo caleemo saarka Iimaamka Guud ee Beelaha Mudulood Abgaal ayaa ku baaqay in lagu taageero imaam daahir iimaam Cumar hogaamintiisa
Kulankaan lagu teegeerayey kalsoonidana lagu siinayey iimaam daahir iimaam cumar ayaa waxaa ka soo qeybgalay odoyaasha dhaqanka culumaau diin saraakiil barbaarta haashaaman nabadoono dhalinyaro haween iyo waxgarad kale
Gudoomiyaha Gudiga qaban qaabada duubista iyo caleemo saarka Iimaamka Guud ee Beelaha Mudulood Sheikh Muuse Cagaweyne ayaa ugu horeyn madasha warbixin ka soo jeediyey wuxuuna ugu baaqay dhamaan beeshu in ay taageero u muujiyaan iimaamka lana shaqeeyaan wuxuuna xusay in khilaafkii jiray la soo afjarey gogoshana la isku cafiyey
Gogosho oo ay dhigtay beesha Wacbuudhan Abgaa galmaax yoonis ee Celi Cumar beelaha uu hogaamiyo iimaamka Abgaal iimaam daahir iimaam ayaa lagu falanqeeyey isla markaana looga dooday habka dhaqanka iyo hogaanka beesha mudulood oo ay sheegeen in 9 sanno beeshu hogaan la,aan soo martay haatana ay kalsooni buuxda siiyeen soo dhaweyn ka sokowna ay duco ka dalbanayaan
Iimaam daahir iimaan oo gabagabadii munaasibada soo xirey ayaa waxaa uuhalkaa ka soo jeediyey hadalo isgu jiray duco dardaaran iyo balanqaad ku wajahan wax qabadkiisa