Basbaasku wuxuu ka mid yahay khudaarta lagu darsado cuntada
Isagoo ka mid ah dhirta udgoon ee cuntada loo isticmaalo sida hawaashka basasha liinta toonta iyo kuwo kale
Qaar ka mid ah waxay leeyihiin dhadhan fiican waxaana qoys kasta jikadiisa laga helaa .
Basbaasku waa geed kulul qudaarta ayuuna ka mid yahay wuxuuna can ku yahay in lagu socodsiiyo cuntada si loogu macaansado .
Kaligii in la cuno wey dhib badan tahay laakiinse sida badan waxaa lagu darsadaa suugada ,inkastoo isticmaalkiisa lagu kala duwan yahay hadana istaas oo nuuc ayaa laga dhigan karaa basbaaska
Balse hada waxaan ka soo qaadaneynaa 5 shan faaiido oo la sheego in uu leeyahay
- Dhimista miisaanka jirka ( weight loss) basbaasku waxaa uu keeni karaa in jirka uu gubo calories bonus mudo 20 daqiiqo ah
- Caafimaadka wadnaha Heart Health baaris caafimaad ayaa sheegeysa in rtashin basbaas leh oo la cuno ay yareyn karto in wadnuhu uu ku istaago iyo maskaxda oo uu dhiig ku furmo sidoo kale wuxuu basbaasku yareeyaa in uu kugu dhaco cudurka loo yaqaan ( bad cholesrerol )dhiiga oo subagu ka bato
- Cadaadiska dhiiga hoose (lower blood Pressure waxaa laga helaa Fitimiin A iyo C si ay u xoojiyaan muruqyada gidaarka wadnaha iyo kuleylka basbaaska o kordhiya qulqulka dhiiga ee jirka oo dhan
- Cburka basbaaska wuxuu hawo mareenada ka nadiifiyaa duufka iyo xaakada sidaas daraadeed dadka xaakada ka soo go.i la.dahay markey qufacayaan waxaa lagula taliyaa in ay cuntada basbaas ku darsadaan .
- Kordhinta difaaca jirka basbaasku waxaa u ka qeyb qaataa yareynta caabuqa waxaa ku jira maadooyin sinapic acid iyo ferulic acid