Home Afsomali Ilwad Elman oo si weyn ugu ololeyso nabadda ayaa ku guuleysatay Abaal-marinta...

Ilwad Elman oo si weyn ugu ololeyso nabadda ayaa ku guuleysatay Abaal-marinta ugu sarreysa qaaradda Afrika ee sanadkan 2020-ka.

Ilwad oo ah gabar Soomaaliyeed ayaa madax ka ah hay’ad loogu magac daray Aabaheed oo la yiraado Elman, taas oo u ololeysa ilaalinta xuquuqda Aadanaha.
Abaal-marinta ay ku guuleysatay Ilwad Elman oo ah mid aad u sarreysa ayaa waxaa bixineysa hay’adda caalamiga ah ee Jarmal-Afrika Foundation.
Wasaaradda arrimaha dibadda Jarmalka oo iyadu maal-geliso ha’yadda Jarmal-Afrika Foundation ayaa sidoo kale shaacisay in Ilwad oo ah gabar dhalinyaro ah lagu sharfi doono dhammaadka bishan magaalada Berlin.
Dadkii ku guuleystay billadan oo horey loo siiyey ayaa dhammaan waxa ay u ololeeyeen dimuqraadiyadda, nabadda, xuquuqda aadanaha, farshaxanka iyo dhaqanka.
Si kastaba ujeedada loo bixiyo Abaal-marintaani caalamiga ah ayaa ah in lagu muujiyo muuqaalka wanaagsan ee Afrika, waxaana bixinteeda ay soo bilaabatay tan & 1993-kii.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.