Home Afsomali Dagaal gacmaha la isula tagay oo ma dhacay lafey

Dagaal gacmaha la isula tagay oo ma dhacay lafey

Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay weerar dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ay ka fuliyeen qeybo ka mid ah gobolka N.F.D
Weerarka oo ahaa mid qorsheysan ayaa waxaa lagu soo warramayaa in lala beegsaday saldhig ay ciidamada Kenya ku leeyihiin duleedka magaalada Mandera.
wararka ayaa sheegaya in uu dagaal foolka fool ah ka dhacay deegaanka Lafey oo ku yaalla saldhigga la weeraray.
Dhanka kale war ka soo baxay Al-Shabaab ayaa waxaa lagu sheegaya in weerarkaasi ay ku dhaawacmeen ugu yaraan ilaa saddex askari oo ka tirsan ciidamada Kenya.
Xaaladda goobtii lagu dagaalamay ayaa saaka degan, hayeeshee ciidamada milatariga Kenya ayaa dhaq-dhaqaaqyo ciidan ka bilaabay halkaasi.
Inta badan kooxda Al-Shabaab ayaa weeraro culus ka fulisa Kenya, gaar ahana gobolka Waqooyi Bari oo ku yaalla dhanka xuduudada ay wadaagaan Soomaaliya & Kenya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.