Wararka laga helayo gobolka Sh/ Dhexe ayaa sheegaya in ciidamada AMISOM ay dil ka geysteen duleedka degmada Mahadaay .
Dilka oo loo geystay haweeney ka mid aheyd dadka deegaanka ayaa yimid, kadib markii ciidamada AMISOM qarax miino lagula eegtay deegaanka Buurane ee gobolka Shabeelaha Dhexe, kaas oo la sheegay inuu khasaare kala duwan ka soo gaaray.
Waxay wararka intaasi ku daraya in marxuumadda la dilay ay korineysay caruur Agoon ah oo ay Aabahood horey u dileen ciidamada AMISOM, kadib markii ay haleeshay rasaas habow aheyd, kadib markii sidan oo kale qarax loola eegtay ciidamadaasi.
Weli ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay maamulka HirShabelle iyo saraakiisha ciidamada dowladda oo ku aadan dhacdadaasi xanuunka badan.
Ciidamada AMISOM oo ka howl-gala meelo kala duwan oo dalka ka mid ah ayaa had iyo jeed dilal iyo tacadiyada kale u geystay dadka rayidka ah ee aan waxba galabsan.