Shir jaraa”id uu Maanta ku qabtay Muqdisho madaxwaynihii Hore ee soomaaliya shiikh shariif shiikh axmed ayaa waxa ugu hadlay arima dhowr ah oo ku saabsan siyaasada dalka.
Shiikh shariif ayaa sheegay in madaxwayne xasan shiikh uu san qaban balan qaadyadii uu horay usameeyay islamarkaana uu ku fashilmay Balan qaad yadiisa.
Sheikh Shariif ayaa ugu horeyn tibaaxay in uu aad uga xun yahay abaraha dalka ku dhuftay wuxuuna ku booriyey hey.adaha gargaarka iyo bulshada somaliyeed in ay ka soo baxaan jaawibaad ka saaran samatabixinta dadka iyo duunyada ka siman biyo iyo baad la,aanta heysata.
Sheikha ayaa ka hadlay arimaha dhaqaalaha amniga waxbarashada caafimaadka iyo hantida shacabka somaliyeed ka dhaxeysa
Ciidamada qalabka sida ayuu aad u amaanay dulqaadka ay muujiyeen xiliyadii ay mushaar la.aanta ahaayeen wuxuuna sheegay in ay u baahan yihiin daryeel iyo in la qalabeeyo .
Wuxuu isweydiiyey dhaqaalaha dowlada u soo xarooda halka ay maraan oo ay aheyd in bulshada loogu adeego .madaxweyne shariif sheikh axamed ayaa baarlamaanka ka codsaday in ay doorashada u maraan wadada saxda ah
Sheikh shariif ayaa xubnaha baarlamaanka ugu hambalyeeyey sida ay u doorteen xubnaha gudoonka baarlamaanka .
Sheriif sheikh ayaa khudbadiisa ku weeraray waxqabadka iyo balanqaadkii Xasan sheikh oo uu sheegay in dhamaan lixidii qodob eek u jiray balanqaadkiisii uu ku fashilmay wuxuuna xusay in uusan xaq u laheyn in uu dib isu soo sharaxo .
Aniga oo doorashadii la iiga raayey waxaan u maleynayey in Xasan sheikh uu balanqaadkiisii la dhabeynayo .
Xaga doorashooyinka ayuu ku dhaliilay sida ay u dhacday isaga oo ku tilmaamay in ay aheyd isku dir shacabka la iskaga horkeenay .
“hadii madaxdu noqoto mid shacabka boobto oo qaraabadeeda kaliye soo dhaweysato taasi ma suurta galayso “
Lacag la.aan ceeb maaha balse in aad noqoto madaxweyne tuug ah waa ceeb “
Qof walbo wuxuu raba in uu madax noqdo si uu u boobo xantida qaran.
Waa in qofkii madaxweyne Noqda hantidiisa la tira koobaa si aysan dib danbe u dhicin boobka dalka ka dhacay .
(Anaasi calaa diini maliiki hum) dadku waxay racayaan diinta boqorkooda madaxdu sida ay noqoto ayuu shacabkuna noqonayaa
Sharif sheikh Axamed ayaa walaac xoogan ka muujiyey doorasahda markasta dib u dhaceysa isaga oo ka digay in ay mar kale dib u dhacdo .
Wadahalkii Somaliland ayuu sheegay in ay dhimatay rajadii laga qabay .
Isaga oo ka jawaabayey su.aal ayuu yiri Rajada aan ka qabo in la idoorto waa boqolkiiba boqol waa ku sheegaa madaxweynaha soo socdo waa aniga hadaba ku tala gal lacagta xasan sheikh waa bixiyey laakiin codka isagu malaha ,codka xildhibaanka ayaa iska leh waana arki doontaan ishaa alaah
Dowladani waa fashilanta waa u wada jeednaa waana in aan mid kale dooranaa ayuu hadalkiisa ku soo gabgabeeyey.
https://youtu.be/_JzDaxj-c6c
Dhanka youtube ka https://www.youtube.com/channel/UCbEqHSbI6baCmdD0pnfHJ7g/videos?shelf_id=0&sort=dd&view=0