Home Afsomali Dowlada F.D oo mar kale xidhay Wadooyinka Muqdisho

Dowlada F.D oo mar kale xidhay Wadooyinka Muqdisho

Ciidamada Ammaanka Soomaaliya ayaa Maanta waxaa ay xireen qaar kamid ah wadooyinka muhiimka ah ee Magalada muqdisho, iyaga oo u diidaya Gaadiidka daweynaha iyo kuwa sida gaarka ah loo leeyahay iyo Mooto Bajaajta inay wadooyinka qaar  isticmaalaan.

Wadooyinka muhiimka ah ee Maanta xiran ayaa waxaa kamid ah qeybo kamid ah wadada Maka-Almukarama,Wadooyinka soo gala degmooyinka Xamar Jajab iyo Waaberi iyo Wadada Isgoyska Jubba, iyada oo lagu arkayo Ciidamada Dowladda oo u diidaya isticmaalka gaadiidka kala duwan.

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya sababaha wadooyinka loo xiray, waxaana warraka qaarkood ay sheegayaan in ay jiraan banaanbaxyo mid lagu taageerayo Dowladda Soomaaliya iyo mid looga soo horjeedo, wallow wararka qaar ay sheegayaan in uu baqday banaanbixii lagu taageeri lahaa dowladda Soomaaliya.

Labadii maalmood ee la soo dhaafay ayaa waxaa Magaalada Muqdisho aad looga dareemayay Ciidamo farabadan oo wadooyinka qaar la dhigay, waxaana talaadadii todobadkaan dhacay banaanbax looga soo horjeeday Madaxweyne farmaajo, kaas oo sababay qasaaro dhimasho iyo dhaawac ah, kadib markii ay isku dhaceen Ciidamada dowladda & kuwo ilaalinayay banaanbaxayaasha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.